Booqashadii Shariif Xasan Sheikh Aadan ee magaalada Baydhabo ayaa dhalisay in ay dadka ku nool gobolada Koonfur Galbeed wax iska weydiiyaan olalahiisa uu kaga soo horjeedo dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyo taageerada uu u haayo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo heshiiskii Addis Ababa.
Dadka siyaasada Soomaaliya ka faalooda ayaa sheegaaya in Shariif Xasan doonaayo in ciriiriga siyaasadeed ee haysta beryahaan dambe uga xuubsiibto maamul goboleed isagu madax ka yahay maadaamo uu ku fashilmay qabashada hogaankii dalka. Hase ahaatee dadka ka soo jeeda gobolada koonfureed ayaa iyagu aad uga dharegsan dabinka cadowga iyo shirqoolada siyaasiyiinta gudaha iyo dibada ee ku saleysan xukun iyo dhaqaale uruursi.
Idale News Online, Baydhabo