Xildhibaan Shariif Xasan oo iskaga huleelay xarunta shirka KG ee Baydhabo ka dib diidmo lagala hor yimid qorshihiisa 3da gobol

0
173

Farshaxaniistaha caan ah ee Soomaaliyeed Amin caamir oo had iyo goorba cabira isbedelada siyaasadeed ee dalka ayaa bogiisa ku soo bandhigay sawir ku turjameyaa sida sharif Xasan sh. Aadan ugu fashilmey siyaasadii uu u tagay magaalada Baydhabo Janaay.

Sharif Xasan Sh. Aadan iyo xildhibaano ku fikrad ahaa oo doonayay in ay kala furfuraan ergada shirka maamul u sameynta lixda gobol ayaa iyaga soo huleeley gobolka ka dib markii ay ka xoog badan rabitaanka shacabka oo iyagu u arka qorshaha Shariifka mid loo soo dhiibey oo uu dan gaar ah ay ugu jirtay.

Dhawaanahan waxa magaalbda Baydhabo ka socdey, kulmo gooni gooni ah isla markaana iska soo horjeedey kuwaasi oo ay yeelanayeen xildhibaanada, waxgaradka iyo wafdigii la socdey Sharif xasan sh. Aadan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa si cad inuu guul dareystey firkirkii Shariif Xasan iyo xildhibaanada la socday ay geeyeen xarunta shirka Koonfur Galbeed Somalia ee magaalada Baydhabo. Waxaa dadweyne ka careysan mowqifka Shariifka iyo xulafadiisa Hotel Bakiin degan u sheegeen in ay mudaharaad waaweyn kala hor imaan doonaan haddii ay magaalada ku sii nagaadaan siyaasiyiintaas diidan dhismaha maamul ka kooban 6 gobol.

Ugu dambeytina, Xildhibaan Shariif Xasan iyo siyaasiyiinta kale ee la socday ayaa goor dhow u soo duuley magaalada muqdisho marki hore ay ka yimaadeen, mana cada talaabada xigta ee uu Shariifka iyo wafdigiisa qaadi doonaan iyo waxa ay ku dambeyn doonto balantii ay la soo galeen taageerayaasha Maamulka iyo garabka dowlada ee taageersan heshiiska Addis Ababa.

sharifLagamey

Idale News Online