Daawo Kalsan TV iyo khudbadihii ay halkaasi ka jeediyeen Madaxa AMISOM iyo Dr. Aweys Sheikh Muxiyadiin

0
251


Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay aya waxya sheegayaan in magaaladaasi ay gaareen wafdi ka socda Midowga Afrika uuna hogaaminayey ergayga Midowga Afrika u qabilsan arrimaha Soomaaliya Anadiif.

Sida warku sheegayo wafdiga Ergayga Midowga Afrika ee maanta safarka ku tagay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ahaa afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM, waxayna maamulka gobolka iyo masuuliyiinta shirka maamul goboleedka KG uga socda magaalada baydhabo kala hadleen sida uu wariyaheena Baydhabo soo sheegayo arrimaha shirka iyo taageerada AMISOM ee go;aanka dhaqankooda

Waxaa sidoo kale khudbad dadkii shirka ay ku diirsadeen oo dhinacyo badan taabaneysay shirka ka jeediyey gudoomiyaha jaaliyada DM ee dalka Australia isagoo sheegay in horumarka iyo taageerada beesha caalamka la heli karo haddii la dhameystiro howsha hadda baydhabo loo fadhiyo
Baydhabo

Sidoo kale wafdiga ayaa maamulka Gobolka Bay waxay la qaateen kulamo looga hadlayey amaanka, wada-shaqeynta AMISOM iyo maamulka gobolka Bay iyo sidoo kale shirka lagu soo dhisayo maamulka koonfur galbeed ee hadda shirkiisa ka socda Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in wafdiga ka socday Midowga Afrika ay ka qeybgaleen shirka ka socda Magaalada Baydhano ee lagu doonayo in 6-gobol maamul loogu sameeyo, waxayna ka sheegeen in Midowga Afrika ay taageersanyihiin in lagu dhaqmo federaalka iyo sharciga dalka u yaala.

Idale News Online