Daawo:Jaamacada Koonfurta Soomaaliya iyo SIMAD Oo Heshiis Ku Kala Saxiixdey Muqdisho

0
272

Muqdisho(INO)-Waxa  Maanta heshiis  iskaashi  Wada galay Jaamacada SIMAD Ee Magaalada Muqdisho iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya(USS) Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

simad iyo Uss oo heshii gaarey

Heshiiskaas oo Shaqayndoona Sanado badan isla markaana waxa uu Ka dhacay Xarunta Jaamacadda SIMAD Ee Magaalada Muqdisho, Waxay labada dhinac ay  ku heshiiyeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen Horumarinta waxbarashada iyo waayo aragnimo is dhaafsiga, taasoo Sida filaayo inay guul u tahay labada Jaamacadooda.

Gudoomiye-yaaasha  Jaamacaddaha SIMAD Pof. Daahir Xasan iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaliya Ee Baydhabo Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa kala Saxiixdey Heshiiskaasi.

Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo Xafladii heshiiskaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida Uu ugu go ‘an yahaY horumarinta Jaamacadda USS iyo tayeyta Jaamacadaasi.

” Heeshiiska Labada Jaamacadood Ee SIMAD iyo USS waa  Arin Guul ah” ayuu yiri Gudoomiyaha Jamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo.

Guddoomiyaha Jaamacaddda Koonfurta Soomaaliya ayaa Sidoo kale daboolka ka qaaday in jiraan heshiisyo kale oo ay la galayaan Jaamacado caalami ah, taasi oo uu ku tilmaamay in ay wax weyn ku soo kordhin doonto horumarka Jaamacadda USS ay ku talaabsanayso dhanka xiriirka caalamiga ah ee jaamacadaha kale la yeelanayso.

Ugu dambeyntii Ardaydii ka soo qayb gashay xafladda heshiiska ay wada gaareen labadaasi jaacamacood ee kala ah SIMAD iyo Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo ayaa waxa ay talaabadaasi ku tilmaameen mid ay u wada riyaaqeen.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here