Daawo: Hay’ada Moorigaabey Oo Xarun Caafimaad Ka Hergalisay Magaalada Baydhabo

0
289

Baydhabo(INO)-Hay’ada Moorigaabey oo ka mid ah Hay’adaha Ka Shaqeeya Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Maanta ka furtey xaafada Howlwadaag Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxana xaflada furitaanka ka Qiib Galey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Iyo kan degmada Baydhabo , wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Wasiirkii Hore Macdanta biyaha tamarta iyo Shidaalka  Ee DF Soomaaliya  Mudane C/risaaq Sheekh Muxudiin.

Ka dib Baahi kajirta Xaafadaas oo aysan jirin MCH shaqeeya ayaa hay’ada Moorigaabey waxay MCH ka distey Xaafadaas , iyadoo ayna Keentey Dhaqaatiir iyo Umulisooyin , isla markaana Magaalada waxaa ku yar MCH yada iyadoo Qaarkood ay si muuqaal ah ay u furan yihiin , sidoo kale Magaalada waxaa ka jira Daawo la’aan dhinaca Haweenka iyo Caruurta.

Idriss Cabdi Dhaqtar oo ahaa Maamulaha Jaamacada Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo Ahna Wakiilka Hay’ada Moorigaabey Ee KG Soomaaliya  ayaa ka hadley kana waramey howlaha Hay’ada Moorigaabey waxqabdkeeda iyo sida ay Agoonta iyo dadka Miyirka la ay wax weyn u qabatey , waxaa kaloo ka hadley Cabdirisaaq Sheik Muxdiin oo kamid ahaa qurba joogta Soomaaliyeed.

 Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here