Diinsoor ( INO)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in dagaal Culus oo khasaaro sababay uu ka dhacay deegaan Hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Sugow Cali Xasan oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda Koonfur Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay ayaa sheegay in dagaalkaas uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen deegaan lagu Magacaabo Misirre oo hoostaga degmada Diinsoor halkaas oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
Sarkaalkaan ayaa tilmaamay in ku dhawaad 10 dagaalyahan ay ka dileen Xarakada Al Shabaab , ciidamaduna uu ka geeriyooday 1 Askari oo kaliya.
Dhinaca kale Sugow Cali Xasan ayaa ku nuux nuuxsaday in Howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al Shabaab ay sii wadi doonaan iyagoo bartilmaameed ka dhigan doono deegaanada ay Al Shabaab-ku kaga sugan yihiin Gobolka Baay .
Idale News Online, Diinsoor