Daawo: Gudoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada Baydhabo Oo Maata Si Wada Jir Ah U Dhegax Dhigeen Jidka 30-Ka

0
304

Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo  Duqa Degmada Baydhabo ayaa Maanta waxay dhaxdhigeen  wadada 30 ka   oo kamid ah Wadoyinka  sida aadka ah uburbursan ee kuyaala Baydhabo.

Wadadan oo Dhiirarkeedu uu gaarayo 600 oo mitar  ayaa waxaa Dhisaysa hay ada Shaqaalaha Aduunlka ee ILO  waxaana Shaqa abuur loogasameeyey  Dadkabadan  300 qof oo kamida ah kuwii Dhawaan dib looga sooceliyey Xariyaha Qaxootiga Keeya iyo Yamen.

Waxaana dadkaasi maalmihii ugudanbeeyey  Hay adda ILO siinayey tababar kusaabsan sidii ay ushaqeysanlahaayeen  waxayna  haatan hay adu ay siisay fursad ay kushaqeystaan.

Madaxa Hay ada ILO Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya  Cabdi Isxaaq ayaa Faafahinaya  Mashruuca lagudhisaayo Wadadan iyo waliba  Dadka Shaqa abuurka loogasameeyey.

Wuxuuna yiri Waxaa Shaqa abuur uga sameynay wadadan Dad kabadan 300 oo ah kuwii Dhawaan dib loogusooceliyey Hariyaha Qaxootiga Keeya iyo Yamen . waxaana Wadadan aan udayacatiridoona hab asri ah  waxaana Mashruucan uu kamid yahay kuwa lagudhisaayo Wadooyinka.

Gudoomiyaha G/ Bay Mudade C/Rashiid C/laahi Maxamed iyo Duqa Degmada Baydhabo MudaneC/laahi Cali Watiin ayaa Hay ada ILO  iyo dowlada Japan ugumahadceliyey sida ay udhisayso Wadooyinka Magaalada  Baydhabo iyo kaalmada ay siiyan dadka did ugu soo noqonaya dalka.

Aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Hay’ada ILO oo Marna shaqa abuur usameysay  Dadbadan oo danyer ah.  Dhisaysana Wadadan oo kamid aheed wadooyinkii saamenta kuyeeshay Dawlad la aantii Dalkeena soomartay.

Halkan Ka Daawo

Wariye Abshir Maxamed Nuur ( Mandela), Warbaahinta

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here