Diinsoor(INO)- Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa ka warbixiyay howl galo ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaada Degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Gudoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig shigoow oo la hadlay Warbaahinta Idalenews.com ayaa sheegay in rag iyo hub ay wateen ay gacanta ku soo dhigeen.
Waxa uu sheegay in dadka ay soo qabteen ay ahaayeen Al-shabaab isla markaana ay wadada sharciga ah marinayaan.
Waxa u sheegay in ciidamada Dowlada Koofur galbeed oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in dadaal dheer ka dib ay ragaasi iyo hubkii ay wateen gacanta lagu so dhigay.
Ugu dambeyntii, Ciidamada maamulka koofur galbeed soomaaliya oo kaashanaya ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howl galo ka dhan ah Al-Shabaab.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Idale News Online, Baydhabo