Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa magaalada C/laahi Cali Watiin iyo madax ka socota Hay’ada DRC ayaa maanta waxay kor meer shaqo ku tageeen kamam cusub oo loo dhisayo dad barakacyaal ah oo kala yimid deegaanada hoos imaada magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Mashruucaas dhismo oo ahaa Guryo iyo Musqulo dadka tabarta yar oo heysan meel ay ka galaan qabowga,dhaxanta,iyo kuleylka qoraxda dadkaas oo aad u nugul.
Dhismahaas ayaa waxaa fuliyey labo Shirkadood ganacsi deeqda dhaqaale waxaa bixiyey Hay’ada DRC ayadoo ka faa’deystey sadax kaam oo ku kala yaalo xafadaha Degmada Baydhabo sida Kaamka Warsan, Sarmaan-dheer iyo Kaamka Al-Furqaan.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo