Cadaado(INO)-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Soomaaliya oo gaadhay magaalada Dhuuso-mareeb ayaa sheegay in Shacabka Gobolada Dhaxe ay diyaar u yihiin in ay sameestaan Maamul ay iyagu doortaan, wuxuuna shaaciyay in 11-ka bishan aan ku jirno uu Shirka Maamulka loogu sameenayo Gobolada Dhaxe uu si rasmi ah uga furmi doono Magaalada Cadaado, halka caasimad u noqon doonto Maamulka Gobolada Dhaxe dhuusomareeb.
Dhinaca kale C/laahi Cali Maxamed ”Baarleex” oo ah Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo caawa khudbad ka jeedinaayay Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Maamulka ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Maamulkiisu uu qaadacay go’aanka Madaxweyne Xassan uu Madaxtooyada uga dhigay Dhuusamareeb.
Khudbada Baarleex ayaa waxaa kamid ahaa “Waa arrin khalad ah in Madaxweynuhu uu Dhuusamareeb ku tilmaamo inay tahay Caasimaddii Maamulka Gobolada Dhexe, waana wax meel looga dhacay dadka deegaanka.” ayuu yiri Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb.
“Waa wax is dul saaran Calanka, Caasimadda iyo Madaxweynaha imaan doono ee Gobolada Dhexe, waxaas oo dhan waxaa shaqo ku leh ergada wax dooraneysa iyo Odayaasha Dhaqanka. Haddii Caasimaddii uu Madaxweynaha iska magacaabay, ergada maxay hadhow qaban doontaa? Shaqadoodii ayuu qabtay.” ayuu hadalkiisa sii Raaciyey.
Idale News Online, Cadaado



