Cadan(INO)-Jabhadda Xutiyiinta Shiicada ah ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa maanta dagaal qaraar ka dib la wareegay gacan ku haynta inta badan bartamaha ee magaalada Caddan. Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa doonaya inay isku wada fidinayaan Magaalada Cadan.
Xilli dagaalka Bartamaha Magaalada Cadan uu soconaayay ayaa diyaaradaha dalalka isbaheysiga ay duqeymo culus ka geysanayeen duleedka Magaaladaasi, iyagoona ku beegsaday xarumo ay kaga sugnaayen Xuuthiyiinta.
Magaalada Cadan, ayaa waxaa hadda ka soconaya abaabul xoogan oo lagu doonayo in Magaaladaasi looga difaaco maleeshiyaadka Shiicada ah, si aynaan ula wada wareegin magaalada oo dhan.
Idale News Online, Cadan