Baydhabo(INO)-Hobolada Fanaaniin Gobolka Bakool ee Soomaaliya, ayaa Heeso qiiro leh Oo Daaran Nabadda ka Qaadey, shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Wada Dega Gobolka Bakool, taasoo Gilgilisey laabta Martisharafta, isla maraana ay ka qiib galayeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyihii Hore Gollaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, Xildhibaan Afaralle, Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Maxamed Cumar Balash iyo Weliba Wasiiro Ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka Dib u heshiista, waxa kale ka qiib galey, Waxgarka Ka Soojeed Gobolka Bakool Iyadoona Hay’da Wadahaalka Ee CRD ay qiib weyn ka qaadatey Hergalinta dib u heshiisiintaasi.
Madaxa Isku dabaridka Howlaha Guud ee hay’ada CRD Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xaaji Xasanow Manuur, oo horey u soo noqodey, wasiirka arimaha dibda dalka soomaaliya iyo iskaashiga caalamiga ayaa sidoo kale ka qiib galey, waxaana uu shirkaasi ka sheegey in Hay’ada CRD ay keeneyso degmada Xudur RADIO FM ah oo lagu dhageysan doono gudaha iyo Degaanada Hoostaga degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.
Fanaaniinn Gobolka Bakool ee Koonfur soomaaliay ayaa ka muuqata dayacnaan iyo dhiiro gallin la’an, iyadoona 20-kii sano ee la soo dhaafey, aaney Hilin Xaquuq iyo tixgalin faneed, isla markaana waxa gaabis noqodey Fankooda ka dib markii la soo daristay isbarbaryaac dhibaato badan oo ka taagnaa Gobolka Bakool.
Ka Qiib galiyaasha Shirkaasi, ayaan dhiiro galin iyo balanqaadyo siinin Fanaaniin Gobolka Bakool, oo lagu horumrinaayo fankooda isla markaana taas waxay dharbaxo kulul ku noqneysa DF Soomaaliya iyo Wargaradka KGS oo Fankooda Ee Afka-Maay–ga Ah Horumin waayey.
Sikastaba ha ahaatee, Fanka iyo suugaanta oo Taariikh dheer oo soo jireen ah ku leh Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Ummadda ku hadasha Afka Maay-ga ee Looga Hadlo Goboladda Koonfurta Soomaaliya iyo qiibo ka mid ah Gobolka Waqooyi beri ee Dalka Keny, isla markaanaana Ah laanta Ka Mid ah Afka Cushtiga.
Sidoo kale Waxa La Oran karaa in suugaanta ay ka mid tahay tiir dhexaadyada noloosha ummad kasta oo dunida meel uun kaga nool.
Ugu Dambeyntii, Suugaanta Afka- Maay-ga waa keydka kaliya ama dhaxalka ugu weyn ee ay leedahay bulshada KG Soomaaliya oo afkeeda la qorey mar aanan sidaasi usii fogeyn, waana tan lagu keydiyey taariikhaha faca weyn ee bulshadani ay leedahay Ab ku Ab.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xudur
Sawir Qaade: Xasan Macalin Yusuf (Xasan Black).