Ceelwaaq(INO)-Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu Faahfaahin ka Bixiyay Qarax Shalay Gaarigiisa Loogu Xiray Gudoomiyahaa Degmdaasi Ceelwaaq.
Sahal Macalin Aadan gudoomiye ku Xigeenka Ceelwaaq oo Warbaahinta la Hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Dhaawac uu soo Gaaray Gudoomiyaha iyo Labo Sargaal oo Ilaaladiisa aheed.
Waxaa uu sheegay in uu Haatan Hagaagsan yahay Dhaawac Gudoomiyaha iyo Xubnaha kale Haatan ay Isbitaal Jiifaan
Ciidamada Ceelwaaq ayuu sheegay in ay baaritaan ka sameeyeen Xaafadaha Ceelwaaq
Idale News Online, Ceelwaaq