Baydhabo ( INO)-Malaaq Siidow Muuse Maadow Oo ah Malaaq Guud Beesha 5ta Caleemood ayaa sheegay in guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ay badaleen Ergooyinkii saxda ahaa ee u gudbiyey Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Malaaq Siidow Muuse Maadow ayaa Ku eedeeyey Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, Maxamed C/laahi Mursal in Kursiga Beesha Hiif Muga si Musuqmaasuq ah uu u Siiyey Beel kale aysan lahayn Kursiga 3AAD Ee Beeesha 5ta Caleemood.
Dhan kale Xildhibaan Mayow Oo Ka Mid ah Mudanayaasha BFS Kana Mid ahaa Musharaxiinta tartamaysay Ee Aqalka Hoose ayaa isna Tilmaamay in Gudoomiye Mursal Goobta Doorashada ay ka dhaceysay uu Keenay Ergooyin kale oo isaga uu soo Qortay.
Malaaq Siidow Muuse Maadow iyo Xildhibaan Mayow Cali ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu Baaqeen in si Gaar ah loo Eego Musuqmaasuqani Ka Dhacay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Ka Socota Baydhabo iyagoona Sidoo Kale ka Digay in Doorashooyinka Aqalka Hoose laga dhaxlo Dagaallo Sokeeye.
Ugu dambeyntii, Tan iyo Markii Magaalooyinka Maamulada dalka ka jira ay Si habsami leh ugu Bilaabmeen Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose ayaa Waxaa soo baxayey Cabashooyin Xoogan oo ku aadan in lagacan bidixeynayo Doorashooyinkaasi.
Halkan Ka Daawi VIEDO Xildhibaan Mayow
Halkan Ka Daawo VIDEO Malaaq Siidow Muuse Maadow
Halkan Ka Daawo Waxgaradka Beesha
Idale News Online, Baydhabo