Daawo: Dowlada goboleedka Puntland oo Xiriirka u jartay dowlada Federaalka Soomaaliya una yeeratey wasiirada & Xildhibaanada Muqdisho ka jooga

0
187

gaasMadaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa caawa go’aan adag ka qaatay dowladda Muqdisho ka dib markii uu xiriirka u jaray.

In xiriirka uu Gaas u jaro DF ayaa keentay ka dib markii madaxda Villa Somalia ay sheegeen in la midaynayo Gobalada Mudug iyo Galgaduud iyadoona inta badan Mudug ay ka taliso Puntland
1-Dawada Puntland waxay ka soo hor jeedaa heshiska maamul usamaynta Gobolada dhexe kaa soo khilaafsan dastuurka dawlada federaalka

2-Waxay dawlada puntland aad uga xuntahay ka qaybgalka Xunbnaha Beesha caalamka iyo in ay marhkaarti ka noqoto heshiis khilaafsan dastuurka Dawlada federaalka

3-Waxay dawlada Puntland nasiibdaro u aragtaa in madaxdiisare ee dowlada federaalka ay horsed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya Dastuurka dawlada federaalka ah iskana horkenaya Bulshada somaliyeed

4-Dawlada Puntland waxay wada tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira Goloyaasha dawlada dhexa ee ka soo jeeda deeganada Dawlada Puntland muddo 15 casho gudahood, ugu dambeyn 15 August 2014.

5-Dawlada Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga wakiilka aheyd Gudiga dib u eegista Dastuurka Marwo Caasha Geele Diriye

6-Dawlada Puntland waxay go aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojiso wixii xiriir iyo wada shaqayn ah ee ay la lehayd dawlada dhexe ee federaalka

7-Dawlada Puntland waxay cadaynaysaa wax ala wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee mamul u samaynta Gobolada dhexe ee lagu sheeganayey qayba ka mid ah Deegaanada Puntland ay mas uul ka tahay dawlada federaalka ah