Ciidanka DFSoomaaliya oo ku wajahan Bardaale Ee Gobolka Bay iyo Al shabaab oo isaga baxay..

0
193

Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Militariga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Maanta u dhaqaaqeen dhanka Degmada Qansaxdheer oo Al shabaab ay maamusho.

Teaser Image Ciidanka DFS oo ku wajahan Bardaale iyo Al shabaab oo isaga baxay {Dhageyso}

Gudoomiyaha Degmada Bardaale, Maxamed Isaaq Carra-Case ayaa sheegay in Ciidamada ay ku sugan yihiin Deegaano u dhaw Degmada Qansaxdheere, halkaasi oo uu xusay in Kooxda Al shabaab ay Xalay kala baxday Maleeshiyadeed, markii ay ogaadeen inay lagu so wajahan yahay.

“Ciidamada DFS oo kaashanaya Shacabka waxa ay go’aansadeen in Al shabaab ay ka saaraan Degmooyinka wali ay ku sugan yihiin ee Gobolka Baay, sida Diinsoor & Qansaxdheere, waxaana wadnaa dadaalo arimahaasi ku aadan,”Carra-Case ayaa sidaasi yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay maanta ma beri gali doonaan Gudaha Degmada Qansaxdheere, kadibna ay usii gudbi doonaan Degmada Diinsoor, oo kamid ah Meelaha ay Al shabaab ku xooga badan yihiin Gobolka Bay.

Mudooyinkii danbe, waxaa ka socday qeybo kamid ah Gobolka Baay Howlgallo ay Ciidamada DFS & AMISOM ku doonayeen inay isku furaan isku socodka Degmooyinka laga saaray Kooxda Al shabaab, waxaana ay la wareegeen Deegaanno dhowr ah, sida uu Gudoomiyaha Bardaale sheegay.

Idale News  Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.