Xukumada KMG ee Masar ayaa u yeedhay safiirkii u fadhiyay magaalada Dooxa ee dalka Qadar kadib markii ay dowlada Qadar ku eedaysay inay faragelin ku hayso siyaasadeeda arimaha gudaha islamar ahaantaan ay taageeryso ururuka Ikhwaanul Muslimiin oo dhawaan xukumada KMG ee Masar u aqoonsatay argagixiso.
Dowlada Qadar ayaa iyadu kasoo horjeesatay go’aankii kasoo baxay dalka Masar ee lagu mamnuucay ururka Ikhwaanul Muslimiin laguna suntay argagixiso.Qadar waxay sheegtay in go’aankaas uu yahay mid lagu xalaalsanayo dilka banaanbaxayaasha.
Ma aha Qadar oo kaliya dalalka udigay Masar,dowlada Iraan ayaa sidoo kale Masar ugu baaqday inay dib uga laabato go’aanka ay ku mamnuucday Masar.Hoos ka daawo warbixin maqal iyo muuqaal ah oo warkan ku saabsan
Idale News Online