Daawo: dagaalyahanada ISIS ee dalka Ciraaq oo dhoolatus sameynaaya

0
225

Dagaalyahanada ISIS ee dalka Ciraaq oo wali ka socda qeybo badan oo ka tirsan gobolada sunniyiinta degaan ee wadanka Ciraaq ayaa dhoolatus ciidan ka sameeyey gudaha dalkaasi kadib markii ciidanka xukuumadda Shiicada Al Maaliki laga qabtey dhul badan oo dalkaasi ka mid ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Al-Anbaar ee galbeedka Ciraaq ayaa xaqiijinaya in xoogaga qabaa’ilada Sunniga ah iyo mujaahidiinta ISIS ay lawareegeen xarunta maamulka magaalada Ramaadi iyo xarunta Telefeshinka gobolka.


iraq_fallujah
Telefeshinka Al Jazeera ee Afka Carabiga ku hadla ayaa baahiyay muuqaalada dagaalyahanada qabaa’ilka oo si buuxda ula wareegaya magaalada islamarkaana ku dhax roondaynaya magaalada. Sidoo kale dagaallo culus ayaa wali ka socda magaalada Faluujja ee dadkeedu caanka ku yihiin halganka waxiska caabinta,wariyaal ayaa soo sheegaya in kacdoonka cusub ee suniyiinta uu hordhac u yahay dagaal kala bax ah oo dhulka shaam iyo ciraaq ka dhaca waxaana si toos ah u loolamaya Majuusiyiinta Faaris iyo dadka ahlu Towxiidka ah

 

Idale News Online.