Daawo: Cali Max’ed Geedi oo shaki badan ka muujiyey in 2016 dalka doorashooyin xor ah ka dhacaan, Dowlad Goboleedyada dhismi doonana ku sheegay xalka kaliya ee harsan.

0
215


Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowlada KMG Somalia Cali Max’ed Geedi ayaa sheegay in qodxo iyo caqabado badan ay ku hor gudban yihiin in la gaaro sanduuq iyo qof sanadka 2016, isagoo tilmaamaayey caqabadahaas hor yaala dowlada ee loo baahan yahay in muddada u dhiman xaliso ayaa yiri: “Dowlada waa in sharcigii federaalka sameysaa si loo helo xeerkii dowlad goboleedyada dhismi doona kala hagi lahaa, in la sameeyo sharciyadii nidaamka axsaabta badan si xisbiyo dalka uga dhashaan, in tirokoob dadweyne la sameeyo iyo in dastuurka qabyo qoraalka ah afti dadweyne loo qaado si uu u noqdo Dastuurkii rasmi oo dalka leeyahay” haddii aan intaas la qaban waayo waxuu Cali Max’ed Geedi Sheegay in aysan suurtogal aheyn in dalka doorshada ka dhacdo.

Cali Max’ed Geedi oo aragtidiisa ka hadlaayey haddii dowladu awoodi wayso in 2016 doorasho guud oo dalka ka dhacdo waxa uu noqon karo xalka kale ee dowlada u banaan ayaa yiri “maadaama laga baxay ku meelgaarnimadii, dastuurka kmg  sheegaayo in aysan suurtogal aheyn in oday dhaqameedyadu soo xulaan xubnaha barlamaanka soo socda, wadada kaliya ee dowladu u banaan iyadoo la raacaayo dastuurka hadda dalka u yaala   ay tahay in dowlad goboleedyada dhismi doona iyo kuwa horey u jiray iyagu soo dooran karaan wakiiladooda barlamaanka kuwaasoo degmooyinka uu ka kooban yahay maamuladaas lagu saleyn doono.

Cali Max’ed Geedi oo mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud safka hore uga jira ayaa hogaanka dalka ku dhaliiley waxqabad la’aan iyo in ay  baaqyo iyo calaancal  saxaafada laga sheego ku soo koobay howshii qaranka;(waa sida uu yiri).

Ugu dambeyntii ayuu Cali Max’ed Geedi waxa ra’iisul wasaaraha cusub C/wali Sheekh Axmed ku tilmaamey inuu yahay qof leh hufnaan, karti iyo waayo aragnimo uu wax badan kaga qaban karo xilka loo magacaabey haddii xilkiisa dastuuriga loo madax baneeyo.
geedi

Idale News Online