Daawo: Bandhig Faneed Ku Saabsan Nabada Oo Lagu Soo Bandhigey Baydhabo

0
250

Baydhabo(INO)- Bandhig faneed lagu dhiira galinayey Fanka, Sugaanta iyo Nabadda Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa  ka dhacey Magaalada Baydhabo Isla markaana islamarkaasna ay soo qaban qaabisay hay’ada dib u heshisiinta iyo wadahadalka  Ee CRD.

Bandhig faneedka ayaa  dhalinyarada lagu dhiirigaliyey  si  ay ugu  qeyb qaataan dadaalka nabada ay CRD ka wado gobalada KG soomaliya ayagoo kaga qeybqaadanaya dhinaca  fanka iyo suugaanta dhaqanka. Sida heeso, Ruwaayado. gabayo ,ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka 00 dhamaantooda ka hadlaya nabada.

Munaasabada oo ka dhaceysay hoolka shirarka Ee Dowladda Koonfur galbeed oo aan ka fogeyn xarunta Madaxatooyada ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiro ka tirsan Dowladda KG Soomaaliya, masuuliyiinta hay’ada wadahadalka iyo dib u heshisiinta CRD, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Ugu horeyn waxaa goobta heeso, ruwaayado, gabayo iyo farshaxan ka tarjumayey nabada
halkaasi kusoo bandhigay dhaliyaro lyagu si aad ah ugu soo diyaar garowday in ay ka qeyb
qaataan munaasabada lagu muujinayey qiimaha nabadu ay leedahay.

Madaxa Hay’adda CRD Cabdulaahi Xaaji Xasan ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay kana
waxbixiyey ujeedada munaasabadda.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Bay Mudane Cabdirashid Cabdulaahi oo kalkaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyay barnaamijka kor loogu qaadayo nabadda.

Ugu danbeyn wasiirka warfaafïnta  iyo wacyi-galinta Ee Dowladda KG Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay inay  dhalinyaradu kusoo bandhigaan qiimaha nabadda qaab faneed, farshaxaneed iyo ciyaaro dhaqameed.

Halkan Ka Daawo.

Snapshot_20151024Snapshot_20151024_8Snapshot_20151024_9Snapshot_20151024_10Snapshot_20151024_11Snapshot_20151024_12Snapshot_20151024_13

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here