Danjire Kay oo Ammaanay Howshii Guddoomiyihii Hore Ee Gobolkaa Banaadir

0
223

Muqdisho(INO) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa amaanay doorkii howleed ee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Nicholas_Kay_Xasan_Muun_gaab_Muqdisho_660

Danjire Kay ayaa sidoo kale ku ammaanay Muun-gaab wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Muqdisho, isagoo xusay inuu qaaday tallaabooyin uu ku xaqiijinayo amniga iyo nabad-galyada shaqaalaha QM ee ka howlgala Muqdisho.

“Anigoo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan kaaga mahad-celinayaa shaqadii adkayd ee aad ka qabatay Muqdisho intii aad xilka haysay, waana ku farax-sanahay sidii wanaagsanayd ee aan u soo wada-shaqeynay,” ayuu Danjire Kay ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray.

Sidoo kale, ergayga ayaa si gaar ah uga mahadceliyay dadaalkii uu ka geystay hubinta in si nabad-galyada Muqdisho si ay ugu suuro-gasho hay’adaha dhanka gargaar ee Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah inay Muqdisho ka howl-galaan.

Ergayga QM ee Somalia ayaa dhanka kale sheegay inuu xiriir aad u dhowr kala dhexeeyay maamulkii gobolka Banaadir ee uu madaxda ka ahaa Xasan Muun-gaab, iyagoo xilliyo kala duwan ku kulmay qaybo kala duwan oo Muqdisho ah.

Ugu dambeyn, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inuu rajeynayo in lagu xusuusan doono guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho, howlihii kala duwanaa ee uu soo qabtay muddadii sannadka ka badnayd ee uu xilka hayay.

Si kastaba ha ahaatee, toddobaadkii hore ayaa xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, iyadoo xilka loo magacaabay mas’uul kale oo lagu magacaabo, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here