Maamulka Degmada Diinsoor Oo Sheegay In Saldhigyo Al Shabaab Ay Leeyihiin Bur Buriyeen

0
270

Diinsoor ( INO)-Guddoomiyaha Maamulka degmada DiIinsoor ee Gobolka Bay Ibraahim Max’ed Nuur Shigshigow  ayaa shaaca ka qaaday in ay bur buriyeen Saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaanno hoostaga degmada Diinsoor.

Diinsoor5

Ibraahim Max’ed Nuur Shigshigow Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa tilmaamay in ay Ciidamadooda la wareegeen deegaanada Gubadleey iyo Misirre ayna ka saareen dhaq dhaqaaq Al Shabaab.

“ waa ay sii socon doonaan Howlgalka Milatari ee ka dhanka ah Al Shabaab, hadda waan bur burinay saldhigyadooda , kuwa kale ee ay ku dhuumaaleysanayaana waan u soconnaa” ayuu yiri Ibraahim Max’ed Nuur Shigshigow guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Ugu dambeyntii,Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa ka mid ahayd meelaha ay ugu xoogan yihiin Al Shabaab ayaa horay loogala wareegay iyagoona Al Shabaab-ku ay saldhigyo ka sameysteen deegaanno ku dhow dhow degmadaasi.

Idale News Online, Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here