Marko(INO)- Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa saaka ku waabariisatay jawi ka duwan kii hore iyo isbedel maamul.
Shabaab ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta Magaalada, waxaana Durba Magaalada ka bilaabatay cabsi soo food saartay dadkii Magaalada ku sugnaa.
Shabaabka ayaa tagay oo Sawiro ka soo qaaday goobaha Difaacyada u aheyd ciidanka AMISOM iyo Maamulkii Magaalada Marka.
Xaalada Magaalada Marka ayaa ah mid caadi ah oo dhibaato aysan ka jirin, inkastoo Saraakiisha ciidanka aysan weli sababeyn arintii ka dambeysay ka bixitaanka Magaalada Marka.
Hoos ka Daawo Sawirada:-
Idale News Online, Marka