Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Looga Baaqey Inay Gacanta Ku Soo Celiso Degmada Marka

0
215

Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga baaqey inay tayeyso Ciidamada  tirada ee Tababarka la siyey isla markaana ay geyso Goobolaha Xasarada ay ka Taagan tahay, iyadoona  si toos looga baaqey inay gacan ku soo noqodo Magaalad Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Mid ka mid ah Aqoonyahnada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku nool qurbaha oo lagu magacaawo Cukaash ayaa u soo soojeediyey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya in aysan ku ku tiirsanaanin Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya, isla markaana koonfur Galbeed Looga fadhiyo sidii ay u hanan lahayd Degaanadeeda.

Aqoonyahan Cukaash Maxamed, ayaa ka dhawaajiyey in ka bixikaanka AMISOM magaalooyinka ay tuseyso Abood la’aanka Dowlada Soomaaliya iyo Dalka Doorasho Galayo Sanadkan 2016, isla markaana Shacabka iyo Qabaa’ilka Ku badan Gobolka Shabellaha Hoose inay Gacamaha ay is qabsadaan.

Ugu damebeyntii, Maalintii Shaley ayaa Ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyo Taagyeerto Dowlada Soomaaliya ay isaga baxeen Magaalda Marka, iyadoona Durba halkaas ay la wareegtey Kooxda Mayalka Adag Ee Soomaalilda Al-shabaab.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Marka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here