Baydhabo(INO)- Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Gaarey Daagaanka goofgaduud shabeelow Ee Gobolka Bay oo qiyaastii u jira magaalada Baydhabo ilaa 30 KM.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Waxaa dhawan Degaankaas la wareegey ciidamada Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed soomaaliya iyo Kuwo DFS taasoo in badan ay gacanta ku haayeen ciidamada AMISOM Isla markaana hadana ay si buuxda oo la wareegeen ciidamada soomaaliyeed qeyybahooda kala duwan.
wafdiga waxay isugu jireen wasiiro ka socda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada , Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Maaliyada Sheekh Xasan Lugbuur iyo wasiirka hubka dhigista dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) iyo Maamulka gobolka Bay iyo Kan degmada Baydhabo iyo saraakiil kasocda ciidamada DFS iyo taliyaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Kooxda Al-shaab ayaa dhawaan la wareegdey dagaankaas ayadoona halkaas ka qafaashey tiro odayaal ah kuwaaso qaar ka mid ah sida la sheegey ay gowaraceen.
Halkan Daawo Sawiro
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay