Khubaro ku takhasustay cilmiga Kimistariga iyo Fiisigiska (chemistry iyo physician), ayaa baadhitaan xeel-dheer oo ay samayeen ku soo bandhigtay in cunitaanka Tamaandhada keeno urta qadhmuun ee kilin-kilooyinka dadka bani-aadamka ah ka sekow nadaafad darrada.
Dr. Charles Stewart oo ka mid ah khubarada arrintan ogaatay, ayaa wargeyska journal Medical Hypotheses u sheegay in cunitaanka Tamaandhadu badiso bacteriyada Corynebacterium ee ku nool maqaarka dadka, taasoo sababta urta qadhmuun ee uu sameeyo dhididka dadka qaarkood.
Waxa uu Dr. Charles Stewart xusay in bacteriyadu protein-nada jidhka burburiso, kana dhigto hoore (dhidid) jidhka ka soo baxa, kaasoo urtiisu qadhmuun tahay, isla markaana dadka qaarkood ku qasba in meelaha uu ka soo baxo sida kilin-kilooyinka ku shubaan cadar.
Waxa kaloo uu Dr. Charles Stewart in qanjidhada qaabilsan inay sii daayaan dhididkum, gaar ahaan kuwa kilin-kilooyinka sameeyaan ur qadhmuun marka ay la fal-galaan fitamiinada ku jira tamaandhada iyana sameeyaan urtan.
Dr. Charles Stewart ayaa sheegay inuu arrintan ogaaday markii uu isagu tijaabo isku sameeyay. Waxa uu xusay inuu joojiyay cunitaanka tamaandhada, sidaa darteed ay tagtay urta qandhuun ee dhididkiisa, gaar ahaan kuwo kilin-kilooyinku, isagoo markii uu cuntitaanka Tamaandhada bilaabayna ay urtii dhididkiisu ku soo noqotay.
Idale News Online, Barnamija, Caafimaadka.