Muqdisho (INO) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cumar C/rashiid Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya.
Cumar C/rashiid oo Talaadadii soo gaaray Muqdisho, ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Todobaadyo kadib markii Baarlamaanka uu Codka Kalsoonida kala laabtay C/wali Sheekh Axmed oo lagu eedeeyay Waxqabad la’aan.
Cumar C/rashiid oo Bishii July, 2014, loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka, waa markii 2-aad oo uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Sanadihii 2009 -2010 wuxuu noqday RW xukuumadii KMG ahayd ee dowladii uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Cumar Cabdirashiid ayaa lagu xasuusta Heshiiskii Badda Soomaaliya uu la galay Kenya, Musuq-maasuq, Lunsaday Hanti Qaran & inuu Hub ka iibiyay Kooxda Al shabaab markii uu xafiiska ka tagayay 2010.
Idale News Online, Muqdisho