Baydhabo(INO)- Waxa si habasami leh u socoda dhismaha Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa Dhawaan la gudbiyeye Xubno ka mid Noqonaya Mudanayaasha Baarlamanaka Soomaaliya isla markaana qofkasta waxa uu marey wareysi gaar ah oo ay qaadiyeen Urur Goboleedka IGAD.
Hadaba Ilo Xog Ogaal ah Oo Ku dhow Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Shabakada Idale News Online u sheegeen inay jiraan rag badan oo doonayaan inay noqdaan Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaliya Isla makraanka ka soojeedaan Beesha Aw-Digil.
Sida aynu Xogta ka heleyno Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh ayaa doonaya in uu Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka dhigo Afhayeenka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Cashar Nadaara.
Ugu dambeyntii, Degaanaada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa si weyn looga hadal haaya xulusta baarlamanaka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marar badan dib u dhacyo ku yimaadey sidoo kalena Beelaha qaarna weliba ay wadaan kulumo dhexdood ah.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo