Wasaarada Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Mamnuucdey Ka Ganacsiga Hubka iyo Waxyaabaha Maanta Dooriya

0
263

Baydhabo(INO)- Wasaarada  Amniga ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wareegto ka soo saartey Hubka sharci daro ah ee lagu ganacsado Gudaha Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo waxyaabaha Maanka Dooriya, sida Khamrada iyo Xashiishka.

Geesey

Wareegto ka soo baxdey xafiiska wasiirka wasaarada Amniga C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa lagu sheegey in hub iyo Waxyaabaha maan dooriye aan laga ganacsan Karin isla markaana waxay digniin adag u dirty kuwo ka ganacsatada,  waxaana wareegtu lagu xusey  in cidii lagu arko hubkaas lala wareegi doono sidoo kalena la horgeyn doono sharciga.

“ wasaaradda Amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay digniin u direya Dadka ka ganacsada Hubka, Khamrada iyo Xashiishka, cidii lagu arko iyadoona hub iibineyso waa lala wareegaya Hubkaasi, waxaana lala tiigsanaya Sharciga Cadaalada, wasaaradu waxay u taagan tahay sugida Amaanka Guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayaa lagu  yiri wareegtadda.

tan iyo markii ay burburtey Dowlada Dhexe soomaaliya waxaa Wadanka Soomaaliya caadi  ka ahaa ka ganacsiga hubka iyo Waxyaabaha Maanka Dooriya isla markaana ay isku galaafayeen Qabaa’ilada Soomaaaliyeed.

Ugu dambeyntii, lama garanaayo sida uu u dhalan gali doono wareegtada wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya maadama waxyaabahaas si sir ah looga ganacsado isla markaana ay adag tahay in la ogaado.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here