Marko (INO) — Shir weyne lagu soo afjarayo Colaad Beeleedkii Gobolka Shabeella Hoose, ayaa lagu soo afjaray Magaalada Marko, ee xarunta Gobolkaasi, waxaana la filayaa in Xaladda xiritaanka Shirka.
Axmed Maxamed Barre oo ah Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha diinta ee dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta, in haatan shirkaasi meel wanaagsan uu marayo islamarkaana maalmaha Arbacada ama Khamiista ee soo aadan uu magaalada Marka tagayo Madaxweyne Shariif Xasan.
Wasiirka ayaa sheegay in badi ay dhaqan galeen qodobadii lagu heshiiyay ee degmada Afgooye, islamarkaana waxa haray ay tahay Isbaarooyin yaalla meelaha qaar oo ka mid ah gobalka, taasina ay ciidan awood leh u keensan doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu dambeyntii Beelahaan heshiiska horay u gaaray haatanna fulinaya qodobadii lagu heshiiyay ayaa muddo badan isku hayay gobalka Shabellaha Hoose, hase ahaatee maamulka Koonfur galbeed ayaa ku guuleystay in heshiis la kala dhex dhigo dhammaan beelahan.
Idale News Online – Xafiiska Marka