Muqdisho(INO)-Sakariya Ismaaciil Xersi oo loo yaqaano (Zaki), kana tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, ayaa daboolka ka qaaday in Ururka Al Shabaab uu cilaaqaadkii u jiray Shabakadda tunka weyn ee Al Qaacida, xilli saddex sano ka hor ay isku biireen.
Sakariya Ismaaciil Xersi waxa kaloo uu sheegay in Al Qaacida aynaan ka tacsiyadeen geeridii Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), Amiirkii hore Ururka Al Shabaab, oo lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, 1-dii bishii September ee sanadkii 2014-ka.
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray suurta galnimada in Ururka Al Shabaab uu ku biiro Ururka Daacish, oo isku magacaabay Dowladda Khilaafada Islaamka. Daacish waxay ka dagaalantaa dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Waxa kaloo uu sheegay haddii daruufo waaweyn la soo derisaan Ururka Al Shabaab, ay markaasi dhici karto inay ku biiraan Daacish, laakiin aynaan iminka u muuqan inay ku biirayan Daacish.
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in xilligan ay laba garab u jala jabi karaan Shabaabka, si garab ka mid ah uu ugu biiro Ururka Daacish, iyadoo laga jawaabayo dalabkii Daacish, ee ahaa inay ku soo biiraan.
Sakariya Ismaaciil Xersi
Isagoo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee VOA, waxna laga weydiiyay tirada Ajaaniibta Ururka Al Shabaab ka garab dagaalamaysa ee Somaliya ku sugan, ayuu tiradoodu guud ku sheegay wax aan ka badnayn laba boqol oo xubnood.
Su’aal ahayd cafiskii Dowladda u fidisay Saraakiisha iyo Ciidamada Al Shabaab in uu dhaqangalay iyo in kale, ayuu sheegay in Shabaabku ka faa’iideysanayan, dhaqangalkiisuna uu ku xiran yahay hadba sida ay Dowladdu u dardar-geliso.
Zaki, ayaa daba yaaqadii bishii December isku soo dhiibay Dowladda Somaliya, wuxuuna daba yaaqadii bishii January uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tanaasulay mabda’ii Ururka Al Shabaab.
Zaki wuxuu hadda degan yahay dhisme ku yaala Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, halkaasoo ammaankiisa lagu ilaaliyo, bacdamaa uu Dowladda siiyay macluumaad la xiriira Al Shabaab.