Muqdisho-Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa ka hadlay Xaalada Dadka ka Barakacay Deegaanada Al-shabaab laga Xoreeyey.
Waxaa uu intaa ku daray Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre in Dowladda Soomaaliya ay Xiligaan ku Mashquulsan tahay Dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab.
Marka laga sootago hadalka Wasiirka ayaa waxaa jira in Degmooyinka laga Xoreeyey Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka jirto Xaalada Adag oo dhanka Nololsha ah.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa laga saaray ugu yaraan 10 Degmo oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Waxaana Degmooyinkaasi ku Dhibaateysan Kumaankun Qoys oo ka Barakacay Dagaalka u dhaxeey Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo iskaabaya iyo Kooxda Al-shabaab.
Idale News Online,Muqdisho.