Cizat Ibraahim Al-dowri oo ahaa Kaaliyihii Saddaam Xuseen oo lagu dilay dalka Ciraaq

0
255

Baqhdad(INO) Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in la dilay  Cizat Ibraahim AL-Dowri Kaaliyihii madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen oo ku jiray Liiska uu Maraykanku sida weyn u doon doonayo.

Cizat Ibraahim Al-Dowri oo la sheegayaa inuu Maanta ku dhintay dagaal ka dhacay gobola Salaaxudiin ee waqooyiga magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq,waxaana la tilmaamayaa in sarkaalkani uu ku dhintay dagaal dhexmaray kooxda ISIS iyo koox kale oo shiico ah.

Gen. Cizat Ibraahim Al-Dowri ayaa ahaa gacantii Midig ee madaxweynihii la daldalay ee Ciraaq Saddaam Xuseen wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha xisbigii Bacath ee aan ilaa hada gacanta lagu dhigin,Janankan ayaa ku biiray kooxda Daacish oo la tilmaamay inuu gacan weyn ka siiyey sidii ay u qabsan lahaayeen dhul ballaaran oo ka tirsan Ciraaq gaar ahaan deegaanada dadka Sunniyiinta ah.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Ciraaq ayaa sheegay in la dilay Al-Dowri oo ahaa hogaamiyihii ciidankii gaarka ahaa ee Saddaam Xuseen ee Xarasul Jamhuuri  xiligane xubin ka ahaa kooxda Khilaafada Islaamka ee Ciraaq iyo Siiriya.

Warbaahinta  ayaa baahisay Sawirro iyo muuqaalo muujinaya meydka Cizat Ibraahim oo caan ku ahaa Shaarubo cas,Saraakiil u hadlay Xisbigii hogaamin jiray Ciraaq ee Al-Bacath ayaa beeniyey geerida Al-dowri oo hore sidan si la mid ah loo shaaciyey inuu geeriyooday walow ay markii danbe beenowday.

Idale News Online, Baghdaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here