Cilmiga Xanaanada Xoolaha Qeybtii 8aad: Abla- Ableynta,Sayntifakadda iyo Magaca Guud Ee Dameeraha

0
368

Sayntifakadda iyo Magaca guud Ee Dameeraha: Asal ahaan magaca sayntiifakadda ee dameeraha waxa la yiraahdaa”Equus africanus sinus”.taasi oo mudnaata koowaad leh ama loo isticmaalo dameeraha, hase yeeshe gudigga caalamga ah ee magacaawa xaywaanaadka ( international commission zoological nomenclature),waxey sharciyeeyen sanadkii 2003 jinsi xaywaanka guri jooga ah(domesticated species) iyo kan duur jooga ah hadii ay leeyihiin (sub-species)jinsi hoose waxaa mudnaata leh magaca sayntiifakadda xaywaanka duur jooga ah in looga yeero.

dameeraha

Tani macanaheedu waxay tahay sida dhabta ah ee magacaga dameeraha waa “Equus Africanus sinus”.

Abla-ableynta dameeraha(Taxonomy):

Kingdom Animalia
Phylum chordata
Class Mammalia
Order perissodactyla
Family Equidae
Genus Equus
Sub-Genus Asinus
Species Equus africanus
Sub-species Equus africanus asinus
Trinomial name Equus africanus asinus L

 Astaamaha Ay Leeyihiin Dameeraha ( the characteristics of Asses).

Astaamadda dameerahu way kala duwan yihiin size kooda ; hadba waxey ku xiran tahay taranka iyo maareenta, jooga sare ee dameeraha qaar ee  fogaanta u dhexeysa waa 7.3hands(31 inches,79cm) ilaa 15.3 hands(63 inche,160cm), Sidoo kale culeyskooda inta badan wuxu gaaraa inta u dhaxeysa 80kg-480kg(180-1060Ib).

Waxa looga shaqeysta wadmadda dunida sedexaaad ,waxayna leeyihiin cimri  u dhaxeeya 12-15 sano. sidoo kale Cimrigoodu wuxu gaaraa wadamadda barwaaqada ah30-50 sano, dameeruhu waxey leeyihiin  Ciicid , isla markaana waxa lagu maqali karaa dhaqaaqiisa 3kilometre, waxayna  ku yeeri karaan inta u dhaxeysa 20 daqiiqadood.

Dameeraha waxey leeyihiin dhego dhaadheer taas oo u soo aruuriso sanqarta(jabaqda); sidoo kale way is difaaci karaan nafsadooda ayaga oo isticmaalaya qaniyada, Laadka macal qoobka hore ama laatinta adimada dambe(hind legs).

Dameerahu malahan  ama  ma Isticmaalaan, cala-naqsi( chew-cud),taasi oo u sabab ah in  dhuuso  farabdan  siidaayo marwaliba, waayo wuxuu ka mid hay family ga Equidae. Family gani ma laha cala-naqsi wuxuuna ka mid  yahay xaywaanaadka ku socda afar-lugood ,sidoo kale waa hal qajaafle(prissodacytla Animals),qajaafkiisa wuxuu yahay U-shaped.

La Soco Qiibaha Kale

W/Q: Xasan Ismaaciil Isaaq (Xasan Bashaa)-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here