Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koofur galbeed Shariif Xassan Sheekh ayaa si kulul uga hadlay raga dareeska Ciidamada Dowladda ku dhibaateeya Shacabka Ku Dhaqan Sadexda Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.
Shariif Xassan Sheekh ayaa ka dalbday Taliska Ciidamada qeybta 60-aad ee dowladda Soomaaliya inay wax ka qabtaan Dadka wadooyinka u gala Shacabka, isaga oo dalbaday in Cadaalada la horkeeno Askarigii la qabto isaga oo dhacaya Dadka ama dhibaateynaya.
Madaxweynaha Dowlada Koofur galbeed ayaa kula dardaarmay Ciidamada Dowladda Soomaaliya inay ilaaliyaan sharaftooda iyo mida Shacabka ay Mas’uulka ka yihiin ee Koofur galbeed, taasi oo hadii aan la helin uu sheegay in ay meesha ka bixi karto sumcadda Ciidamada.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan waxa uu ka jeediyay munaasabad xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Madaxtooyada Koofur galbeed.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo