Gaarisa (INO) — Sirdoonka Kenya ayaa sheegay inay heleen Xogo ku saabsan in Kooxaha ka danbeeya Weerarada dalkaasi ka dhacaya ay u badan yihiin Askartii Dowladdii KMG ahayd & Axmed Madoobe ee dalkaasi lagu tababaray 2012-kii.
Saraakiisha Laamaha Amaanka ee Magaalada Gaarisa ayaa waxay sheegeen in Askar gaaraysa 200 oo Sanadkii 2012-kii lagu siiyay Tababar Xerada Manyani, loona tababaray Axmed Madoobe & Dowladda KMG ahayd ay dib ugu soo laabteen dalka kadibna ay fulinayaan Weerarada argagixiso ee dalkaasi ka dhacaya.
“Waxaan Shaki weyn ka qabnaa oo Sirdoonkeena ogaaday in Ciidankii aan Xerada Manyani ugu tababarnay Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Jubba & Dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya 2012-ki ay Maanta ka gaysanayaan dalka Kenya Dhibaatooyin Argagaxiso,” ayuu yiri Musa Yego, oo ah Taliyaha Laanta Denbi Baariska Gaarisa.
Wuxuu sheegay in Ciidankaasi ay ahaayeen kuwa laga qoray Waqooyiga Bari ee Kenya, gaar ahaan Magaalada Gaarisa, isagoo xusay in Maanta dib ugu soo laabteen Deegaanadooda, kadibna ku biiray Maleeshiyo Qabiil & Al shabaab.
Dhalinyarada Dhiibatada geysanaysa ayaa waxay u badan yihiin kuwa aan ku qanacsanayn Maamulada k ajira Deegaanadooda ee hoostaga Dowladda Kenya & Qaabka Qabiilada u qeybsanayaan Khayreedka & Shaqooyinka Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
Wararka ayaa yimid Tobaad kadib markii Weerar ay Al shabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, oo ay ku dileen 147 Ruux oo Arday u badnaa, waxaana Weerarkaasi hogaamiyay Wiil Cilmiga Sharciga ka bartay Jaamacadda Nairobi, kana soo jeedo Magaalada Mandheera.
Magaalada Gaarisa oo ah Goobaha ugu badan ee ka dhacayaan Weerarada ayaa lagu sheegay Warbixinta in Magaaladaasi ay si aad ah u maamulaan oo ay ugu tartamaan Qabiilada dega halkaasi oo isku khilaafsan qeybsiga Awooda iyo Kheyraadka.
Idale News Online – Garisa