Ciidanka DFS & AMISOM oo ku dhow Baraawe iyo Qoryooley.

0
249

Marko — Ciidanka DFS & AMISOM ayaa Maanta Dagaal Culus kula galay Kooxda Al shabaab Gobolka Shabeellaha Hoose.

Teaser Image Ciidanka DFS & AMISOM oo ku dhow Baraawe iyo Qoryooley

Ciidamada oo kasoo dhaqaaqay Deegaanka Shalanbood, ayaa u jahaystay Dhanka Degmada Qoryooley & Deegaanka Buulo Mareer, oo 120 Km u jira dhanka Koonfur Galbeed ee Muqdisho, waxaana ay la kulmeen Dagaalka Khasaaro geestay.

Wararka aan ka helayno Qoryooley ayaa sheegaya in Dagaal uu ka dhacay Deegaanka Buulo Sheekh, oo ah Difaaca 1-aad ee Al shabaab ka difaaceen Degmada, waxaana Dagaalkaasi ku dhintay Hal Qof oo Rayid ah, 2 Askarta AMISOM ka tirsan waa lagu dhaawacay.

Dagaalka, ayaa waxa uu ku fiday dhul Beereed Ballaaran, iyadoo la soo sheegaayo in Taangiyada AMISOM ay ku dul socdeen Beero Asandooyin ah oo Moos iyo Dagalgyo kala duwan ay ku yaalleen.

Sidoo kale, Ciidanka Huwanta ah ayaa u jahaystay dhanka Deegaanka Buulo Mareer, oo ku yaalla Wadada aada Degmada Xeebta leh ee Baraawe, waxaana ka jira Deegaanka Cabsi iyo Barakac Xoogan.

Ciidanka DFS & AMISOM ayaa la wareegay Maanta Deegaanada Danow, Buulo Sheekh & Jeebey oo dhamaan ah Dhul Beereed ay ku yaalaan Dalagyo isagu jira Moos, Canbo, Qubo iyo Khudrad.

Wadada ka baxdo Deegaanka Jeebeey, ayaa waxay si toos ah u gashaa Degmada Baraawe, iyadoo wadada kaloo ka baxdo Buulo Sheekh ay iyana tagto Degmada Qoryooley.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii Al shabaab looga saari lahaa Degmooyinka Qoryooley iyo Baraawe oo kamid ah Goobaha ku harsan Gacanta Kooxda Al shabaab.

Idale News Online,Marka.