Ciidan Boolis ah oo la wareegaaya Magaalada Kismaayo

0
200

CiidamadaMagaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu wadaa in lagu wareejiyo Ciidan Boolis ah, kadib markii ay soo bateen dagaalada ka dhacaaya.

Taliyaha ammaanka Magaalada Kismaayo Maxamed Cabdi Buule, oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in falalka amni xumo ay ku soo bateen Magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa wuxuu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo Ciidamada Raaskambooni, ay si joogto leh ugu dagaalamaan Magaalada Kismaay, ayna iminka doonayaan inay dagaaladaasi ka gudbaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in iminka ay diyaariyeen Ciidan gaar ah oo ka hawlgala Magaalada Kismaayo, si buu yiri ay u suggaan ammaanka guud ee Magaalada.

Taliye Buule ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Magaalada Kismaayo laga wada saaraayo Ciidamada Militariga ee Dowladda iyo weliba Ciidamada Ururka Raaskambooni, waxaana la geynayaa buu yiri faruumaha hore ee dagaalada.

Idale News Muqdisho