Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si weyn uga caroodeen dil Magaalada Muqdisho loogu geystay, mid kamid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Askariga la dilay ayaa waxaa gelinkii dambe ee Jimcihii shalay lagu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana dilay niman bistoolado ku hubeysan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dilka kadib ay dileen laba ruux oo mid ay haweeney tahay, iyadoo midka ninka ah uu ka soo horjeestay in la baaro goob ganacsi oo uu halkaasi ku lahaa, sidaana ay ku dileen Ciidamada Dowladda.
Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Xaafada Suuqa Xoolaha C/laahi Xuseen, ayaa wuxuu sheegay in labada qof ee la dilay, gaar ahaan midka ninka ah uu diiday in la baaro goobtiisa ganacsi.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in haweeneyda ay ku dhimatay si khalad ah, kadib markii ay haleeshay buu yiri rasaastii lagu dilay ninkii duwaanlaha ahaa.
Idale News Muqdisho