Hay’adaha ammaanka Dowladda Muqdisho ayaa baadigoob ugu jira Guddoomiyihii hore ee Degmada Balcad Cismaan Xaadoole, oo maalintii Jimcaha ciidan isaga ka amarqaata ay wadada ugaleen ciidamo Booliis ah oo Jowhar usocday.
Afhayeenka Hay’adaha amniga Qaasim Axmed Rooble ayaa ka codsaday Xeer ilaaliyaha Guud ee maxkamada ciidamada qalabka sida Dowladda in dacwad lagu soo oogo Xaadoole oo lagu tilmaamay inuu galay dambi qaran.
Qaasim Axmed Rooble oo daliishana qodobo u yaala Hay’adaha amniga Dowladda ayaa wuxuu ku eedeeyay Cismaan Xaadoole inuu yahay shaqsi kasoo horjeestay Dowladda si bareer ahna ciidan Booliis ah wadada ugu galeen ciidankiisa.
Guddiga amniga qaranka ayaa kulan ay habeen hore ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxa ay amar ku bixiyeen in lasoo xiro Guddoomiyihii Degmada Balcad Cismaan Xaadoole.
Xaadoole ayaa ka baxsaday Balcad waxaana wararka ay sheegayaan in hada uu ku sugan yahay meel ku dhaw Balcad.
Idale News Online, Balacad.