Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey qarax saaka barqadii ka dhacay degmada Xamar Weyne.
Waxa uu ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey halka qaraxa uu ka dhacay isagoo sheegay inuu ka dhacay meel udhaw Daarta Salaam Somali Bank ee Xamar weyne.
Waxa uu xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir inuu geeriyooda Xildhibaan Isaaq Maxamed Ibraahim (Riino) uuna dhaawac soo gaaray Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Maxamuud cali Dhuux,iyadoo labo qof shacba ah ay ku dhaawacmeen qaraxa gaariga loogu xiray xildhibaanadaasi.
Idale News Online