Ciidamada Militaarka DF Soomaaliya Oo La Wareegey Degaano Cusub Oo Hor Leh Ee Gobolka Bay

0
223

Bardaale(INO)-Tuulooyin hoostaga Degmada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa waxa Saacadihii lasoo dhaafay ka socday Howlgal lagu xaqiijinayey Amaanka xilli Al Shabaab ay halkaasi kusugnaayeen.

ciidanka

Gudoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isaaq Ari Case ayaa usheegay Warbaahinta Dawlada Soomaaliya inay la wareegeen deegaano ay Shabaabka kaga sugnaayeen Bardaale.

Tuulooyinka Gelgel iyo Buulo Xaawo ayey ciidanka Meliteriga Soomaaliya sheegeen in hadda gacanta ku hayaan oo Shabaab ay ka qabsadeen.

Ilaa hadda Al Shabaab wax war ah kama soo saarin oo ku aadan deegaanada la sheegay in laga qabsaday.

Idale News Online, Bardaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here