Baydhabo(INO)- Iyadoo Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Ay Ka Jirto Dowlad islaa markaaana Qaado, Canshuur Maalinle ah Oo Ay ka Qaado Dan yarta Magaaladaasi , ayaa Hadana waxaa soo baxayaa dhaliilo ku Ku Aadan Qaabka Dowlada Soomaaliya ay U maareyso Canshurtaasi dadweynaha Ay ka Qaado,Iyadoona musuq maasuq baahsan ku dhex jiro Maamulka Gobolka Bay.
Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka, Waxay Ka Mid tahay Meelaha Sida Weyn looga Qaado Canshuurta Oo DF Soomaaliya Ay Xukunto taasoo ilaa iyo haatan la ogeyn Halka ay Ku Dhac Lacagtaasi , iyadoona U Jeeda Weyn Oo Qaado ay ahayd sidii dadka Looga Sameyn lahaa wadooyinka, Xarumo Caafimaad iyo Ilaalinta Faydhoorka Degaanka arintaasoo Dowlada Hoose Ay Masuul ka tahay falinteedi,Isla markaana laga rabo in Ay tusto bulshada Laga Qaadayo Canshuurta Maalin laha Bedelkeeda.
Maamulka Gobolka Bay, Wuxu Qaada Cashuur maalinle ah isla markaana ay Ka Qaadaan Qiibaha Kala Gedisan Ee Ganacsatada Magaalada Baydhabo kuwaasoo ay ku jiraan Caanaloyda, kuwa Xaabada Iibiya, Balka iyo Kuwo kale Oo Aad U Danyar isla markaana la Daala Dhacyo, Maareynta Noolashoodi Maalintii ,sidoo kalena Ay ku Adag Tahay in Laga Gooyo Lacagtaasi.
Hadaba Caanoleyda Magaalada Baydhabo ayaa waxa laga Qaada Canshuurta Maalinle Ah isla markaana Xitaa aan haysan meel ay la fariistaan Caanahoodi, Taasoo Maamulka Gobolka Bay iyo kan Degmada Ay ku Noqoneyso Dhaliil weyn oo loo Soo jeediyey iyo Dhabar jab.
Qaar ka Mid ah Caanoleyda Ayaa Ka Codsadey Maamulka Gobolka Bay iyo kan Degmada in si Deg Deg ahi looga Dhiso Farshada Caanaha Isla maraana laga Ka Xeeyo Cadeeda Bartamah Baydhabo Ku Dishey Waxa kale Oo Ay sheegeen In Mararka Qaar Canshuur Qaadiyaashu Ay ku Xad Gudbeyaan Xaquuqdooda Aadamiga ah isla markaana Ay kula Kacayaan Handadaad iyo weliba Caga Jugleyn.
Sidoo kale Dadkan Maakiinta ah ayaa Marka Ay cadceedu ay Qabo ku Hoos ordaa Gidaarada Bakhaarada Baydhabo hase ahaatee, looma Ogaala in ay fariistaan, taasoo canaan iyo laato kula kacayaan Malkiiliyaasha Bakhaarada Qaar kood.
Si Kastaba ha Ha Ahaatee Dhawaan Ayey Ahayd Ka dib Markii Baarlamanka Soomaaliya, Uu Ansaxey Gudiga La Dagaalanka musuq Maasuqa Dalka, Isla markaana Soomaaliyana ay safka Hore Kaga Jiro Musuq maasuq Daduunka, isla markaana Aan jirin Wada Xisaabtan Hay’adaha Kala Gedisan Ee DF soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaran Soomaaliya Ayaa Dhawaan Soo Xirey Masuuliyiin ka Tirsan Maamulada Gobolda Banaadir iy Hiiraan kuwaso lagu Eedayey in Ku Takrifaleen Deeq raashiin iyo weliba Canshuur laga Qaadayey Shacabka Goboladaasi, Warar hoose Ayaa Sheegaa In Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Uu Il Gaar Ahi uu Ku Haayo Maamulada Goboladda Bay iyo Shabelllaha Dhexe Kuwaasoo lagu Yaabo in Lagu Soo Oogo Ku takrifalka Canshuurta Dad weynaha.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.