Xudur(INO)- Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay degaanka Ceel Garas ee gobalka Bakool, sida ay qortay Wakaalada Dowladda ee SONNA.
Degaanka Ceel Garas ayaa ka mid ah degaano dhowr ah oo ay horay uga baxeen ciidanka Itoobiya, isla markaana gacanta u galay dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan qabsaday degaanadii ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen degaanka Ceel Garas ka dib markii ay kusoo dhawaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana ay hada Al-Shabaab ay joogaan meel ku dhow degaanka Ceelgaras.
Ilaa iyo hada Al-Shabaab kama hadlin la wareegitaanka ciidanka dowladda Soomaaliya ee degaanka Ceelgaras ee gobolka Bakool.