Ciidamada DFS, Ethiopia iyo Al Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Galgaduud

0
391

Galhareeri (INO)— Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Ethiopia iyo Xarakad Al Shabaab Xalay ku dhexmaray Duleedka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Degamadaasi.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo gaaray dhinacyadii halkaasi ku Dagaalamay.

Xaalada goobihii lagu Dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in Saaka ay degan tahay inkastoo laga cabsi qabo in Al Shabaab ay markale weerar soo qaadaan.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab oo ku aadan Dagaalkii ka dhacay Duleedka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay