Ciidamada AMISON ee ku howlgala Kismaayo oo Tababar ciidan ka furay Tuulada Goobweyn – Duleedka Magaalada Kismaayo

0
204

Deeganka Goobweyn ee Duleedka Kismaayo waxaa malinti 3xaad ka socda Tababar ay qadanayaan Ciidamada Amaanka Jubbaland qaas ahaan Ciidamo dhawaan la wareegi doona Amaanka Kismaayo.

Ciidamada Tababarka uu uga socdo Goobweyn ayaa waxaay iskugu jiraan  Ciidamo horay Magaalada u sii jogay iyo Ciidamo kale oo ka yimid Gobolka Gedo.

amison

Tababarkaan ayaa waxaa uu noqonaya mid lagu dhisayo  Tayada Ciidamada Jubbaland  waxaana u yimid ka dib kulan  dhex maray madaxda Jubbaland ee socdaalka ku maraya wadanka kenya  iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Kenya Gen Jullias karangi.

Tababarka Ciidamadaan ayaa waxaa si wada jir ah uga qayb qadanaya  Ciidamada Amisom ee ka kala socda Wadamada KENYA iyo Siraliyoon,

Dhanka kale  Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda Qorshe Ciidamada Magaaladaaasi ku sugan loga sarayo waxaan qayb ahaan lagu gulaystay in Ciidamada Magaaalada Laga Saaro   oo la geeyo Tuloyinka  ku dhow dhow magaalada Kismaayo halka qaybta kale na lagu mashquulsan yahay in laga saaro magaalada..

Ciidamada Amisom oo qaati ka tagan Qaraxyo maalmahan danbe  lagula egto gudaha magaalada ayaa  waxaay qorshaynayaan in Ciidamada Tababarku uga socda Gobweyn iyo ciidankooda ay  howlgalo amanka lagu sugayo ka wada sameyaan  Gudaha Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale waxaa Qorshahaan Ciidamada Magaalada Loga sarayo  diiday  Madaxweyne yaasha Jubbaland ee kala ah  Col  Barre Adan Shire  Hiiraale iyo Col Iftiin Xasan Baasto waxaayna sheegeen in aysan u hogaansami doonin go,anada Ciidamada loga saarayo gudaha Magaalada Kismaayo.

Col Iftin Xasan Baasto ayaa waxaa uu usbucaan u soo wareegay Hoyga Col Barre Hiiraale ka dib markii  beesha u ka dhashay ay kala labteen  Maleshiyaadki  daacada u ahaa waxaana hada amanka Iftiin xasan Baasto suga Ciidamada Col Barre hiiraale .