Muqdisho(INO)-U diyaar garowga doorashada Soomaaliya ayaa wali socda aydoo lasoo tebinaayo caqabado aad u badan.
Diyaargarow ayaa waxaa loogu jiraa sidii loo dooran lahaa madaxweyne iyo xubnaha labada aqal. Doorashadaa ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socota.
Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in ay jiraan caqabado heysta qabashada doorashada.
Wuxuu Mr. Keating sheegay in caqabadahaa ay kujiraan amni xumo ay ugu wacan tahay xarakada Al-Shabaab, awood xumi iyo kuwo kale.
Si kastaba ha ahaatee wuxuu sheegay inuu wali rajo wanaagsan ka qabo in doorashada la qaban karo.
“Wali waxaan qabaa rajo wanaagsan. Qofbaa igu yiri wuxuu kani noqon doonaa hannaanka doorashada ugu xun caalamka,” sidaa ayuu yiri Keating.
Aqalka sare ayaa la filayaa inuu ka koobnaan doono 54 xubnood halka aqalka hoose xubnihiisa la qorsheeyay inay noqdaan 275.
Waxaa doorashada galaya 14,025 xubnood codeeyeyaal ka kooban kuwaasoo 135 oday dhaqameed ay soo xusheen.