Cali Cabdalla Saalax “Nafteyda Hala Badbaadiyo”

0
388

Yemen(INO)-Madaxweynihii hore ee Dalka Yaman Cali Cabdalah Saalax ayaa dalbaday in noloshiisa iyo tan qoyskiisaba la bad baadiyo ,isgoona si gaar ah uga codsaday Wadamada Khaliijka Carabta in ay magan galyo iyo meel uu kunoolaado siiyaan.

CALI

Waxa uu beeniyay Cali Cabdalah Saalax in uu wax tagaeero ah siiyay Kooxda Xuutiyiinta ah ee riday Dowladii Dalka Yaman inta badana dalkaasi xoog ku qabsaday , waxa uuna sheegay in uu hada doonayo in uu Yaman isaga baxo lana siiyo magan galyo .

Waxa uu si gaar ah uga codsaday Madaxweynihii hore ee Dalka Yaman Wadamada Khaliifka ee isku baheestay dagaalka ka dhanka ah Kooxda Xuutiyiinta ah in ay siiyaan meel ay ku bad baadaan isaga iyo Qoyskiisaba.

Telefishinka Aljazeera ayaa baahiyay in Dowlada Sacuudiga oo hogaaminaya Howlgalka ka dhanka ah Kooxda Xuutiyiinta ay kasoo horjeesatay Dalabka Madaxweynihii hore ee Dalka Yaman ee ku aadan in magan galyo siiyaan Wadamada Khaliijka.

Waxaa lagu eedeeyay Cali Cabdalah Saalax iyo Wiil uu dhalay oo Hogaamiya cutubyo katirsam Ciidamada Yaman in ay gacan siiyeen ayna ka dambeeyeen in Kooxda Xuutiyiinta ay xoog ku qabsadaan Magaalada Caasimada iyo Magaalooyin kale.

Madaxweynihii hore ee Dalka Yaman ayaa hada baadi goob ugu jira sidii uu uga baxsan lahaa dalka Yaman uuna u heli lahaa magan galyo Siyaasadeed, Qaramada Midoobay ayaana sanadkii hore Hogaamiyahan kusoo rigtay xayiraad dhanka socdaalka ah.

Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yaman oo la sheegay in ay taageero badan ka heleen Madaxweynihii hore ee Dalkaasi iyo Wiilkiisa ayaa hada maamula inta badan Dalka Yaman, waxa ayna Wadamada Khaliijka wadaan duqeymo dhanka hawada ah ay kula dagaalmayaan Kooxdan xooga ku riday Dowladii Sharciga aheed ee Yaman.

Idale News Online, Sanca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here