Siyaasi Xil Culus haya oo la Ogaaday in uu la shaqeeyo Shabaabka Kenya, Waa Kumaa?

0
204

Garisa(INO)-Hoggaamiyaha Isbahaysiga FORD ee dalka Kenya, Moses Wetangula ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in la soo xiro Aadan Barre Ducaaale oo ah Mudanaha aqlabiyadda ku leh Barlamaanka Kenya, oo uu ku eedeyey inuu garanayo dadka maalgeliya Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Aadan-Barre-Ducaale

Wetangule oo ka hadlayey Degmadda Webuye ayaa sheegay in loo baahan yahay in Aadan Barre Ducaale wax laga weydiiyo doorkiisa ku aadan weeraradda ay Alshabaab ka geystaan dalka Kenya.

“Waxa uu Aadan Barre Ducaale sheegay inuu 30-maalmood kadib shaacin doono dadka taageera Alshabaab, laakiin ma sugi karo xilliga uu ku dhawaaqi doono” ayuu yiri Watengula.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Barlamaanka Kenya waxay badankooda ka biyo diidsan yihiin Eedeymaha loo soo jeediyey Aadan Barre Ducaale oo isaga horey u cambaareeyey weeraraddii ay Alshabaab ka geysteen Jamaacadda Garissa.

Adaan Barre Ducaale oo ah Mudane laga soo doortay magaalladda Garissa ayaa sheegay inay shaacin doonaan dadka Soomaalida Kenya ee Alshabaab u fududeeya weeraradda ay ka geystaan W/bari Kenya.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here