Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan dagaallada kak dhacay SH Hoose.

0
228

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay dagaallada qabaa’ilka ku saleesan ee ka soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in uu aad iyo aad uu uga xun yahay dagaallada ka dhacay dhawaan gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay dagaalladaas in ay dadka soo xasuusinayaan uun dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka 23-kii sanno ee la soo dhaafay isagoona intaas ku daray in loo baahan dib u heshiisiin la dhex dhigo beelaha ku dagaallamaya gobalkaas.

DF Soomaaliya oo tallo uu siiyay haddii ay rabto in ay guuleysato

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in hey’addaha dowladda looga baahan yahay in ay gogol nabadeed u fidiyaan kooxaha ku dagaallamaya gobalka Shabeelleha Hoose isla markaana ay dib u heshiisiin ka dhex billowdo.

Wuxuu sheegay oo kale in dadka wax garadka, odaasha dhaqanka iyo culimada iyagana looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan nabadeenta iyo isku soo dhaweynta dadka ku dagaallamaya gobalada dhexe iyo kuwa koonfureed.

Ugu dambeyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka Soomaaliya ay faragalin ku hayaan qaar ka mid ah dalalka dariska iyo kuwa kale.

“Intii ay jirtay dowladii kacaanka  waa la rabay in faragalin lagu sameeyo Soomaaliya laakin  faragalintii ay si fiican uma hirgashay, balse wixii ka dambeeyay burburkii dalka waddamada noo dhow iyo kuwa naga dheer ayaa fargalin ku sameyeeyay Soomaaliya” ayuu yiri Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

cabdi-qaasim-salaad-xasan-1

Idale News Online, Qahira.